Al-Shabaab Oo Weerar Ka Fulisay Waqooyi Bari Kenya Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa wareer ku qaaday Gudaha dalka Kenya, waxaana lasoo sheegayaa in ay la wareegeen deegaan hoostaga degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-shabaab ayaa muddo saacado ah haystay degaanka, waxaana ay goob fagaare ah kula hadleen dadka degaanka, iyagoo khudbad u jeediyay sida ay soo sheegayaan Goobjoogayaal ku sugan Degaan Shiir oo Al-shabaab muddo saacado ah ay gacanta ku ahyeen, inkastoo markii dambe ay isaga bexeen sida aan xog ku helnay.
Al-shabaab oo war kasoo saaray weerarkaasi ayaa sheegay in ay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee deegaanka Shiir, waxaana Warbahinta ku hadasha Afka Al-shabaab lagu daabacay in Weerar kaasi ay ka dambeeyeen Al-shabaab, ayna dadka degaanka kula hadleen Goob fagaare ah.

Wali laamaha amniga Kenya kama hadlin weerarkaasi Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaan hoostaga degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan Oo Dacwada Laga Gudbiyay

Bnnstaff Bnnstaff

” 17 Sano Ayaan Xisbiga UCID Wakhti Galiyoo Waan Iska Qoomameeyaa” Xildhibaan Cabdinaasir Qodax.

Bnnstaff Bnnstaff

Xiisada U Dhaxaysa Dalalka Turkiga Iyo Qiriiga Oo Mar Kale Meel Xun Maraysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More