Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Muddo Kadib Kulan La Qaatay Raysal Wasaarihisii Hore Xasan Cali Kheyre

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Kulanka u dhexeeyay Mahdi Guuleed iyo Kheyre ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada dhacaya bilowday sanadkaan 2021, xili uu weli muran ka taagan yahay.

Labada Mas’uul oo kulankooda qaatay saacado ayaa iska xog-wareystay arrimo kala duwan iyo sida ay ku dhici karto doorasho nabad ah oo heshii lagu wada yahay, waxaana Mahdi uu guuleed uu u mahadceliyay RW hore Kheyre.

Xasan Kheyre iyo Mahdi Guuleed ayaa ahaa saaxiibo sanno soo wada shaqeeyay kahor inta uusan Kheyre iska casilin xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, mana jirin wax kulan toos ah oo dhax maray labada mas’uul markii xilka iska casilay Kheyre.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland uga qeyb galay Shirka sanadlaha ee Machadka Heritage oo looga hadlaayay xaaladda dalka iyo doorashada dhaceysa.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sarkaal Ka Tirsan CIA-da Mareykanka Oo Lagu Dilay Gudaha Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Kooxda Xidigaha Geeska Oo Xaqiijisay In Fanaankii Cabdi Hani Iskaga Baxay Fanka Uuna Maajidka Galay

Bnnstaff Bnnstaff

Ehelada General Dolaal Oo Hanjabaad Culus U Diray Muuse Biixi Iyo Nuux Taani Fariina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More