Madaxweynaha Jubbaland Oo War Kasoo Saaray Xildhibaan Qarax Lagu Dilay

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu dilay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose, kadib markii xalay qarax miino loogu dhejiyay gaarigiisa.

Gaariga uu la socday Xildhibaanka geeriyooday ayaa qarxiyay, xili uu marayay xaafadda farjano ee Kismaayo, isla markaana jugtiisa dadka ay maqleen, waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhintay Xildhibaanka oo ka tirsanaa Jubbaland.
Xildhibaanka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Khaliif Haashim Nuur, waxaana Mas’uuliyada qaraxii lagu dilay sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab, kadib Qoraal lagu faafiyay barahooda Internet-ka .

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo qarax loogu xiray gaarigiisa.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka, waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dhaawac Askartii Lagu Weeraray Aw-dheegle Iyo Bariire Oo la Keenay Muqdisho.(Sawiro)

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Oo Shaaciyay In Uu Ruushka La Wadaagayo Nabad Ilaalinta Gobolka Karabaakh Iyo Fanasiiska Diiday Heshiiskaasi

Bnnstaff Bnnstaff

La Taliyihii Lagu Eedeeyay In Uu Madaxwayne Trump Siiyay Gog Khaldan Oo Iscasilay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More