Kongareeska Maraykanka Oo Laalay Codkii Qayaxnaa Ee Trump Dul-Dhigay Miisaaniyadda Dalkaasi

Kongareeska Mareykanka ayaa laalay codka diidmada qayaxan oo uu Madaxweyne Donald Trump dul dhigay hindise sharciyeedka dhaqaalaha ku baxa gaashaandhigga dalkaas, arrinta oo ah middii ugu horraysay ee uu Trump la kulmo intii uu xilka hayay.

Aqalka Senate-ka oo uu maamulo Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa uu yeeshay kulan dhif iyo naadir ah oo ay maalintii koobaad ee sanadka cusub uga doodeen arrintan, middaas oo ay Aqalka Wakiillada horay ugu soo codeeyeen.
Hindise sharciyeedkan ku kacaya $740 bilyan oo doolar ayaa waxaa lagu maalgelinayaa siyaasadda gaashaandhigga Mareykanka ee sanadka soo socda.

Mr Trump, oo todobaadyo gudahood ku bannaynaya xafiiska, ayaa diiday qeyb ka mid ah qodobbada hindise sharciyeedka.

Senate-ka ayaa 81 ugu codeeyay hindise sharciyeedka loo soo gaabiyay (NDAA) halka 13 ay diideen, iyadoo saddex meelood oo meel loo baahnaa inay meelmariyaan hindise sharciyeedkaasi si loo laalo codka diidmada qayaxan ee Madaxweynaha.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dab Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Ceerigaabo Iyo Shacabka Oo Ka Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin: Somaliland Hablihii Ugu Horeeyay Ee Boolisa Oo Dalka Gudihiisa Ku Qaatay Layli Sarkaal

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Warancade Oo Ka Hadlay Dhalinyarada Ay Dowlada SomaliyaU Dirtay Ereatrea Ee La La’yahay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More