Xukuumadda Soomaaliya Oo Caddeysay Mowqifkeeda Qoondada Ku Aadan Haweenka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay qoondada Haweenka ee ku aadan doorashada dalka ka dhaceysa iyo siyaasadda.

Mahdi Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii haweenka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen metelaad siyaasadeed, isagoo cod dheer ku sheegay in qoondada haweenku tahay geed ka go’an.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in la ilaaliyo qoondada Haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay sidii Haweenka u heli lahaayeen qoondadooda ku aadan doorashada.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Mahdi Guuleed Shirka Madaxda dowladda Federaalka ,kuwa maamul Goboleedyada iyo Musharaxiinta uga socda Magaalada Garoowe oo Maanta looga hadlayo Doorka haweenku ay ku yeelanayaan siyaasadda.

Shirka oo ah mid sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Machadka Cilmi Baarista ah ee Heritage, waxaan Shirka khudbado ka jeediyay Madax ka qeyb galeysa Shirkaas oo looga hadlay arrimo kala duwan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidamada Turkiga Oo La Wareegay Madaarka Caasimada Afghanistan Ee Kabul Kana Codsaday Maraykanka In ..

Mustafehaji

Xildhibaan Odawaa Oo Su’aalo Kulul Oo Ku Saabsan Sobobta Loogu Fashilmay Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Beyle”Anigu Waxaan Ka Hadlay Qaadka Hareeriga Hadalkeyga Shalay Si Khaldan Ayaa Loo Fahmay”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More