Cadho Xoogan Oo Ka Dhalatay Wiil Somali Ah Ay Booliska Minneapolis Toogteen

Qaar ka mid ah shacabka Magaalada Minneapolis oo careysan ayaa isugu soo baxay goobta uu ka dhacay dil toogasho ah oo ay booliska magaaladaas u geysteen wiil Soomaali-Mareykan ah.

Doolaal B. Ciid, oo ahaa 28 jir ayaa Arbacadii ku dhintay rasaas ay booliska ku fureen isagoo ku dhex jira gaarigiisa, kaddib markii lagu joojiyay meel u dhow kaalin shidaal iyo meherad gawaarida lagu dhaqo.
Goobtaas ayaa wax ka yar hal meyl u jirta meeshii ay booliska Minneapolis bishii May ku dileen George Floyd, oo ahaa nin madow ah.

Dad goob joogeyaal ah iyo booliska ayaa markii hore sheegay in Doolaal uu isaga markii hore xabbad ku billaabay booliska, kuwaa oo iyagana markii dambe toogtay oo halkaa ku dilay.

Cabsida ugu weyn ee ay laamaha amniga ka qabeen isu soo baxa dadka deegaanka ayaa ahayd in arrintu ay isu baddasho dibadbaxyadii daba socday dilkii George Floyd, kuwaasoo gilgilay guud ahaan Mareykanka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Heesaha Waa La Xadidi Jirey Laakiin Maanta Fanaaniinta Heesaya Waxey Mudan Yihiin In Lasoo Xidho”. Prof Dalxa Oo Duray Fanaaniinta Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

“Walahi Filashadii Aan Filanaayey Wax Ka Duwan Ayaan Isoo Baxay” Barkhad Jamac Batuun

Bnnstaff Bnnstaff

Afgembi Milateri Oo Ka Dhacay Dalka Myanmar Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More