Borama News Network

Cabdi Nageeye Oo Ku Guuleystay Tartanka Marathon-ka New york

Orodyahanka caanka ah ee Soomaaliga ah, Cali Nageeye ee metala dalka Holand ayaa xalay ku guuleystay orodka dheer ee marathon-ka loo yaqaano, kaas oo lagu qabtay magaalada New Yolk ee dalka Mareykanka.

Nageeye ayaa waxaa uu ka adkaaday ciyaaryahanka reer Kenya, Evans Chibet, kaas oo galay kaalinta labaad sial markaana 2020-kii ku guuleystay tartankan.

Waxaa uu soo bandhigay mid kamid ah orodadiisa ugu awoodda dheeraa abid, isagoo ordayay laba saacadood iyo todobo daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi.

Daqiiqadihii u dambeeyay ayuu Nageeye xawaare aad u sareeya ku orday.

Tartankan ayaa lahaa qeybo kala duwan, waxaana dhanka gabdhaha ku guuleysatay, Sheila Chepkirui, 33 sano jir u dhalatay dalka Kenya, waxayna oroday 2 saacadood, 24 daqiiqo iyo 35 ilbiriqsi.

Related posts

Tirada Dadka Ku Nool Dalka Jabuuto Oo Gaadhay1 Milyan Oo Qof Iyo Dowlada Oo War Ka Soo Saartay

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxwayne adigaa Dambi faraha kula jira ee waxay ahayd inaad iscasisho oo aad..”Suldaan Daakir

Abdiaziz Bnnstaff

Masuul Ka Tirsan Gudigii Uu Muuse Biixi U Magacaabay Fulinta Heshiiskii Itoobiya Oo Iska Casilay Gudigaasi Fariina U Diray Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff