Borama News Network

Magaalada Lahore Ee Pakistan Iskuulada Ayaa La Xiray Kaddib Markii Hawadu Wasakhowday

Wasakhowga hawada oo aan hore loo arag ee ka dhacay magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa ku khasbay maamulku inay xiraan dhammaan dugsiyada hoose dhexe muddo toddobaad ah.

Laga bilaabo maantay oo sniin ah, 50% shaqaalaha xafiisyada ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona guryaha, taas oo qayb ka ah qorshaha “in dadka lag badbaadiyo wasakhda) “. Tallaabooyinka kale waxaa ka mid ah mamnuucista mootooyinka iyo ganacsiga waratada ah.

“Qiicu aad buu u dhibaa carruurta, waji-xirashaduna waa in Khasab lag dhigaa iskuulada,” ayay tiri wasiirka sare ee Punjab Marrium Aurangzeb.

Lahore, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Pakistan, ayaa shalay oo Axad ahayd kaalinta 1aad ka gashay liiska magaalooyinka ugu wasakheysan dhanka hawada.

Tilmaanta tayada hawada, oo cabbiraysa noocyo kala duwan oo wasakhaysan, ayaa dhaaftay 1,000 Sabtidii, taas oo aad uga sarreysa heerka 300 ee Ururka Caafimaadka Adduunka ee loo arko “khatar”, marka loo eego xogta IQAir.

Related posts

Deg Deg:- Madaxwayne Muuse Biixi Oo Itoobiya U soo Sexeexay Deked Iyo Saldhig Milatari

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayihii Hore Ee Maraykanka Oo Lagu Amray Bixinta Lacag Dhan 454 Milyan Oo Damaanad Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Lacagihii Laga Xayiray Dalka Ruushka Oo La Siinayo Dalka Dagaalku Kala Dhexeeyo Ee Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff