Borama News Network

36 Qof Oo Ku Dhimatay Bas Ku Dhacay Waadi Ku Yaal Hindiya

Ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu bas ku dhacay meel ka mid ah gobolka waqooyi ee Uttarakhand ee dalka Hindiya.

Saraakiisha ayaa sheegay in 44 qof ay saarnaayeen markii darawalku uu xakameyn waayay baskuna uu ku dhacay bohol 50m ah oo ku taala Marchula, oo ku yaala degmada Almora ee gobolka.

Dowladda gobolka ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo shilkan.

Basaska ayaa ah gaadiidka ugu badan ee gobolka Himalaya, shilalkuna ma ahan inta badan ka dhaca.

Baska ayaa kusii jeeday degmada Ramnagar markii shiulku uu dhacay subaxnimadii Isniinta.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay gaariga oo si xun u burburay oo ku rogmaday buur hoosteeda.

Dhowr qof oo rakaab ah ayaa isla goobta ku dhintay, halka kuwa dhaawacmay loola cararay isbitaallada ku dhow dhow. Waxaa wali socda howlaha samata bixinta.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilkaas.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Culimada Somaliyeed Iyo Qodobo Xasaasiya Oo Lagaga Hadlay Kulankaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Walaahi Baanu Hal Taako Oo Dhulbahante Leeyahay Aanu Qabsan Karayn Ina Kaahina Waxaan Leeyahay Hablaha Ha Isku Dirin ” Siyaasi Dhoolayare

Abdiaziz Bnnstaff

Wadadii Borama Iyo Lawyacade Waxaa Joojiyay Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Xukuumada Oo Ku Xumaynaya Gobolka Awdal” Xildhibaan Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff