Isku Day La Doonayay In Lagu Laalo Natiijooyinka Doorashadii Maraykanka Oo Fashilmay

Waxaa guuldarraystay iskudaygii ugu dambeeyay ee ay wadeen xulafada Madaxweyne Donald Trump ee ay doonayeen in lagu laalo natiijada doorashadii Mareykanka ee la qabtay bishii Nofeembar.

Xaakim ku sugan gobolka Texas ayaa waxa uu diiday kiiskaasi uu maxkamadda horkeenay Louie Gohmert oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kaas oo doonayay in Madaxweyne ku xigeen Mike Pence uu joojiyo inuu meelmariyo natiijada kama dambaysta ah.
Qareennada Mr Pence ayaa waxa ay Khamiistii codsadeen in kiiskaasi meesha laga saaro.

Madaxweynaha la doortay, Joe Biden, ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego 20-ka bishan Janaayo. Mr Trump ayaanan weli qirin in laga adkaaday.

Mr Gohmert oo ah Jamhuuri ka tisan Kongareeska Mareykanka ayaa waxa uu Newsmax TV u sheegay inuu qorshaynayo inuu racfaan ka qaato go’aankaasi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Qarixii Boosaasa Ee Lagu Dilay Nabaddoonada

Bnnstaff Bnnstaff

Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Kooxda Kubada Cagta Ee Dhegoolayaasha Ee Ka Soo Badiyay Dhigooda Jabuuti

Bnnstaff Bnnstaff

Ururka Daalibaan Oo Qabsaday Magaaladii Ku Soo Xigtay Caasimada Dalka Afghanistan Iyo Macluumaad Kale

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More