Borama News Network

Donald Trump awood ma u leeyahay inuu tarxiilo dadka sida sharci darrada ku jooga Mareykanka?

Doorashadii Donald Trump ee xilka madaxtinimo ee Mareykanka, ayaa waxaa uu walwal ku abuuray, qaar kamid ah dadka ku nool waddanka Mareykanka, gaar ahaan dadka soogaalootiga ah ee sida sharci darrada ku jooga dalka.

Dadkaas waxaa kamid ah dad badan oo Soomaali ah, oo muddooyinkii u dambeeyay siyaabo kala duwan ugu qulqulayay Mareykanka, kuwaas oo qaarkood aanan weli helin wax sharci ah.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa laba jibaaray ballan qaadkiisii ​​ololaha doorashada ee ahaa masaafurinta tirada badan ee muhaajiriinta sharci darrada ah, isagoo sheegay in qarashka ku baxaya arrintaas uusan noqon doonin mid hor istaaga.

Dadka uu Trump ama maamulkiisu tarxiili karo waxaa kamid ah dadka aan sharciga heysan ama u xareysnayn. Madaxweynaha ayaa awood sharci u leh dib u celinta dadkan maadaama uu xukumo laanta fulinta.

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Xubno Ka Tirsan Xukuumadiisa

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Shiinaha oo 50 ka mid ah ardayda Jaamacadda Ummadda ugu deeqday Waxbarasho bilaash ah.

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Oo Weerar Dhanka Dhulka Ah Ku Qaaday Lubnaan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka

Abdiaziz Bnnstaff