Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay wali ku howlan tahay sidii loo xalin lahaa khilaafaadka iyo ismari waaaga siyaasadeed ka taagan Hir-Shabeelle, waxaaana xafiiska Qaramada midoobey uu shaaciyay in wadahadalo uu ka dhex-wado Hir-Sahbeelle, kuwaasi oo lagu nabadeynayo Degaanada Maamulkaasi, iyo sidoo kale sidii la isugu soodhweyn lahaa maamulka Cusub ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe iyo jabhadaha kasoo horjeedo.
Kulamo gaar-gaar ah oo khadka Internet-ka ah ayuu maanta la yeeshay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaliya Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax, iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe.
Ergeyga Qaramada Midoobay waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay wadahadal dhammaan daneeyayaashu ay qeyb ka noqdaan si loo helo dib u heshiisiin ka dhacda Hirshabeelle, isagoo intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay taageerto dadaallada nabadda.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com