Borama News Network

Maxaan ka ognahay diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ku burburtay Soomaaliya iyo nuuca ay tahay ?

Militariga Mareykanka ayaa shaaciyay in diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka ay ku burburtay gudaha dalka Soomalaiya.

Taliska Militariga Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa dhacdadan ku xaqiijiyay qoraal ay Jimcihii soo dhigeen barta ay ku leeyihiin X.

Sariikhsha Mareykanka ayaa waxay sheegeen in imika uu socdo baaritaan lagu ogaanayo sababta burburka diyaaradaasi keenay.

Balse waxay xaqiijiyeen in burburkan uusan ka dhalan waxyeelo loo geystay diyaarada ama in al soo riday.
“Ciidamada Mareykanka ee ku howlanaa howlgallada MQ-1C ayaa ku burburtay koonfurta Soomaaliya abaare 12:40 duhurnimo ee 5-tii November” ayaa lagu yiri qoraalka Africom.

“Baaritaan ayaa socda, inkastoo shilkan uusan u muuqan mid ka dhashay isku day kasta oo lagu doonayay in lagu soo rido diyaaradda.
Baaritaanka ka dib ayay saraakiihsu sheegeen in ay soo saari donaan macluumaad dheeraad ah oo shilkan ku saabsan.

AFRICOM ma aysan shaacin goobta rasmiga ah ee diyaaradan ay ku soo dhacdayiyo in haraadiga burburka diyaaradda gacanta lagu dhigay.

Ciidamada Mareykanka ayaa muddo sanado ah waday dabagal iyo duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ku taageerayaan maamuladii kala dambeeyay ee Soomaaliya.

Maraykanku ayaa sidoo kale gacan ka geysta tababarka cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska ee Soomaaliya ee loo yaqaan Danab.

Horaantii sanadkan, Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu dhisayo illaa shan saldhig oo ciidamada Danab, mashruucan oo lagu qiimeeyay in ka badan 100 milyan oo doolar.
Maxay tahay nooca diyaaradda dhacday?
MQ-1C Gray Eagle, oo ay soo saartay General Atomics Aeronautical Systems, waa diyaarad aan duuliye lahayn oo si joog dhexdhexaad ah u duusho.

Diyaaradan ayaa loogu talagalay in ay ku holwgalaan ciidamada Mareykanka .

Waxa loo istcimaalay sidii nooc casriga ah ee horumarsan oo ee loo yaqaano Predator drone.

MQ-1C Gray Eagle waxaa la soo saaray islamarkana adeegsigeedii ugu horeeyay uu hirgalay 2009, waxaaan tan iyo xilligaasi lagu fuliyay howlgalo kala duwan.

inkastoo markii ugu horeysay la soo saaray 2009-kii hadana lagu sameeyay dib u casriyeyno dhawr ah, oo ay ku jiraan in sare loo qaaday meelaha fog ee ay wax ka dareemi karo ama ka arki karto iyo in la xoojiyay oo la kordhiyay culeyska iyo awoodda hub ee ay qaadi kart.

Diyaaradan ayaa loo adeegsadaa howlo kala duwan oo ay u qabato militariga Mareykanka.

Howlaha loo adeegsado waxaa ka mid ah sahamin, ilaalin, bartilmaameedyada, iyo duqeymaha. Waxaa ay sidoo kale ku qlaabaysan tahay dareemayaal horumarsan oo awood u leh inay qaadaan ilaa afar gantaalaha nooca AGM-114 Hellfire.

Gray Eagle waxay bixin kartaa macluumaad sirdoon oo degdeg iyada oo si sax u duqeyn karta bartilmaameedkii loogu tala galay.

Waxay diyaaradan awood u leedahay in ay duusho ilaa 25 saacadood waxayna ku shaqayn kartaa meelaha sare ilaa 29,000 fiit.

Qiimaha diyaaradan ayaa lagu sheegay in ay kor u dhaafayso ilaa 5 milyan oo dolar hashii xabo.

Adeegsiga diyaaradaha militariga ee aan duuliyaha lahayn ayaa sanooyiinki u dambeeyay noqday kuwa si wayn loogu adeegsado gobaha dagaalka.

Quwadaha waawayn sida Mareykanka, shiinaha iyo Ruushka ayaa tartanka ugu adag uu ka dhaxeeya wax ayna soo saareen noocyo kala duwan oo loogu yeero jiilka cusub.

Turkiga ayaa dhankiisa soo saaray labo nooc oo aad casri u ah kuwaasi oo waxtarkooda uu aad u shaac-baxay sanooyiinkii u dambeeyay.

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Saaka U Ambabaxy Dalka Jabuuti Halkaasi Oo Uu Kulan La Qaadan Doono Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Kenya oo dalal kale oo Afrikaan ah ka dhaaftay khidmada dalkugalka bilaashka ah

Abdiaziz Bnnstaff

“ Cudurkii Garxajis Hayay Habarjeclo Ayaa Kasaartay…” Xildhbaan Guruuje

Abdiaziz Bnnstaff