Masjid Ay Dhiseen Asxaabtii Nebiga NNKH Oo Dayactir Lagu Sameeynayo Ka Dib Burbur Ka Soo Gaadhay Dagaalkii Tigreyga

Dowlada Fedeeraalka Itoobiya ayaa balan qaaday in ay dhisi doonta masjidka qadiimiga ee boqor Al Nejashi kaas oo ku yaalla gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya isla markaana waxyeelo ka soo gaartaya dagaalkii u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo TPLF.

Sidoo kale waxaa la boobay agab badan oo masjidka iyo xafiisyadiidsa yaalay.
Itoobiya waxay sheegtay in koox quburo dhanka dhismaha ah ay u direyso qiimeynta dhibaatada gaartay masjidka taariikhiga ah isla markaana ay dib u dhis u sameyn doonto.

Masjidkan oo ku yaala magaalada Wukro oo 800 Km u jirta Caasimadda Adis Ababa waa masjidkii ugu horeeyay ee qaarada Afrika laga dhiso.

Sidoo kale, waa halkii ay u hijroodeen saaxabadii rasuulka NNKH ka hor hijradii Madina.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Doorashada Kuraas Kamid Ah Golaha Shacabka Oo Maanta Lagu Qabanayo Magaalada Baraawe

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Muuse Biixi Oo Go’aamo Ka Soo Saartay Goobaha Waxbarashada

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirkii Magaalada Ceerigaabo Oo Mar Kale Dib Loo Doortay Iyo Qaabka Ay U Dhacday Doorashadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More