Golaha Culimada Dallka Indonesia Oo Laga Sugayo Go’aan Ku Aaddan Xalaalnimada Tallaalka Covid-19

Golaha Culimada Muslimiinta ee waddanka Indonesia ayaa laga dhowrayaa in ay soo saaraan go’aan ku aaddan in Tallaalka cudurka Covid-19 uu yahay mid xalaal ah oo aan ka hor imaaneynin diinta Islaamka, ka hor inta aan waddankaas laga billaabin barnaamijka baaxadda leh ee shacabka lagu tallaalayo.

Isbuuca soo socda ayey Indonesia qorsheyneysaa in ay isticmaasho tallaal lagu farsameeyay waddanka Shiinaha.
Waddankan oo ah dadka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan guud ahaan caalamka ayaa sheegay in 13-ka bishan January la guda gali doono howsha tallaalkaas oo ay ilaa hadda ka heystaan in ka badan 3 milyan oo xabo oo ay ka heleen shirkadda Sinovac Biotech ee laga leeyahay Shiinaha.

Muranna la xiriira in tallaallada loo soo saaro cudurrada ay waafaqsan yihiin shareecada Islaamka iyo in kale ayaa horay u gilgilay qaar ka mid ah waddamada Muslimiinta, waxaana ka mid ahaa markii 2018-kii ay Golaha Culimada dalka Indonesia soo saareen fatwo ay ku sheegayeen in tallaalka jadeecada uu mamnuuc ku yahay diinta Islaamka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Erdogan Oo Shaaciyay Xilliga La Qaban Doono Doorashada Madaxweynenimada

Bnnstaff Bnnstaff

” Golohu Wuu Is Weydiiyey Waxa Laga Yeelayo Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ” Xildhibaan Cabdikarin Meecaad

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirkii Magaalada Ceerigaabo Oo Mar Kale Dib Loo Doortay Iyo Qaabka Ay U Dhacday Doorashadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More