Dowlad Somaliya Oo Ku Dhawaaqday Tallaabo Culeyska Looga Qaadayo Degaano U Go’doonsan Al-Shabaab

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale waxaa ay ugu baaqday xubnaha ka barbar dagaalama Ururka Al-Shabaab inay isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan degmada Waajid ayaa sheegay in Al-shabaab ay culeys ku hayaan Ururka Al-shabaab , isla markaana saameyn weyn ay ku hayaan.

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay cunaqabateyn saareen degmada Waajid iyo degaannada kale ee hoostaga, waxaana uu ugu baaqay inay culeyska ka qaadaan degmada, isla markaana ay isaga soo baxaan Al-Shabaab.

Wasiir Jaamac waxaa uu si cad u sheegay in Dowladda Soomaaliya & Maamulka Koonfur Galbeed ay siwadajir ah go’doonka ay saareen al-Shabaab uga qaadi doonaan degmada Waajid & degaannada hoostaga.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degmada Waajid & degaano kale oo ka tirsan Gobolka Bakool ay u go’doonsan yihiin Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Baladweyne Iyo Faah Faahino Ka Soo Baxaya

Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Shaaciyay In Uu Soo Laba Kacleeyay Axyaxii Baaqna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Tiro Caruur Ah La Jiidhsiiyay Gaadhi Xamuul Ah Iyo Tirada Caruurta Dhimatay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More