Maraykanka Oo Sheegay In Uu Duqayn Ku Laayay Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Alshabaab

Duqeyn ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana duqeynta laga fuliyay agagaarka Saaxa Weyne khamiistii aynu soo dhaafnay.

Shan qof oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar kaas duqeynta ah sida ay baahiyeen Taliska Ciidanka Mareykanka ee Magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM, waxaana ay sheegeen Talisku in ay dileen Saraakiil iyo xubno sar-sare oo Al-shabaab u qaabilsanaa fududeynta maaliyadda, hubka, dagaalyahannada, iyo waxyaabaha qarxa, sidaasi waxaa lagu sheegay war kasoo baxay taliska Mareykanka
Sidoo kale Taliska Mareykanka waxaa ay sheegeen in Khasaaraha ay gaarsiiyeen Al-shabaab uu ka badan yahay shan xubnood, waxaana uu sheegay Gen. Dagvin Anderson in mid ka mid ah dagaalamayaasha ay dileen looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa weerar hore oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya.

Mareykanka ayaa dhawanahaan waxaa uu dar-dar galiyay duqeymaha uu la beegsanayo xarumaha iyo xubnaha sar-sare ee ka tirsan Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha Taliska AFRICOM ay horay u sheegen in ay sii wadi doonaan duqeymaha ay la bar-tilmaameedsadaan Al-shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Hogaamiyayaasha Caalamka Oo Si Adag Uga Falceliyay Qaab Kii Ay Dhaqmeen Taageerayaasha Trump

Bnnstaff Bnnstaff

Magaalo 10 Mile U Jirta Xadka Tigreyga Iyo TPLF Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Xidhiidhka Maraykanka Iyo Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Gobolka Awdal Iyo Laamaha Dowlada Oo Ka Wada Hadlay Xaalado Abaareed Oo Ka Jira Gobolka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More