Dagaalo dhowr mar la isku soo noqday ayaa xalay dhisaqa ku dhexmaray ciidamada amniga iyo kooxda maleshiyaadka ah, oo la sheegay sheegay in dhawanahaan ku sugnaayeen degaankaasi.
Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa khasaaro dhaliyay, waxaana la sheegay in ay Ciidanka howlgalka Sameeyay ay kaga dhaawacmen seddex Askari, halka dhanka kalena aan la xaqiijin khasaaraha soo gaaray.
Degaanada hoose yimaada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa dhawaanahaan waxaa kusoo badanayay Jid-gooyooyinka ay soo dhiganayaan malleyshiyadka hubeysan, waxaana dhanka kale bar-bar socda dagaallo ku salaysan aanooyin Qabiil, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaan dad shacab ah oo Safar ahaa la afduubtay.