Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Duqaymo Laga Fuliyay Gudaha Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dqueynta oo ka dhacday deegaanka Saaxaweyn ee Gobolka Baay lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo halkaas ku sugnaa.

Dowladda ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay 5-xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiray Sarkaal ay ku tilmaamtay inuu ahaa midkii la bartilmaameedsanayay, wallow dowladda aysan shaacin magacyada xubnahaas.
Sidoo kale Dowladda ayaa xustay in uusan jirin wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee goobta Agdhawaa, kadib markii iyaga iyo Taliska Ciidamada Mareynanka ee AFRICOM ay sameeyeen baaritaano.

Diyaaradaha Mareykanka ee AFRICOM ayaa 1-dii bishaan duqeyn ka fuliyay deegaanka Kuunyabarow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana lagu burburiyey Idaacaddii Shabaab ee Al-furqaan ee halkaas ku taallay.

Related posts

Xildhibaan Hore Maxamed ismaciil Habne Oo Si Adag Ugu Jawaabay Buuni Baaqna U Diray Beesha Uu Buuni Ka Soo Jeedo

Bnnstaff Bnnstaff

“Ciro Ayaan Dhisayaa Muuse Biixi Ka Dabadii” Siyaasi Jaamac Shabeel

Bnnstaff Bnnstaff

Isku Day La Doonayay In Lagu Laalo Natiijooyinka Doorashadii Maraykanka Oo Fashilmay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More