Dowladda Somalia Oo Beenisay Inay Heshiis La Saxiixaneyso Shirkado Shidaal

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadan in dowladda Federaalka ay heshiis shidaal qodis ah la saxiixaneyso Shirkaddo Ajnabi ah oo Madaxdooda soo gaareen Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in aysan Shirkaddo shidaal oo dowladda ay heshiis la saxiixaneyso, xiligaan dalka uu ku jiro marxalada kala guurka ah.

Waxaa uu sheegay Wasiir C/raxmaan Beyle in dowladda ay la kulantay Shirkaddo doonayay in lala saxiixdo shidaal laga qodayo dalka, hayeeshee uusan jirin heshiis lala galay, taasina ay u baahan yahay in sharci loo soo maro.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ugu baaqay inay ka qeyb qaatan sidii dalka looga saari lahaa shidaal iyo kheyraadyo kale oo ku jiray, isla markaana arrimahaas ay muhiim u tahay dowladda iyo dalka.

Hadalka Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu kusoo adaya, iyadoo Musharaxiinta Madaxweynaha ay Madaxda dowladda uga digeen inay heshiis qarsoodi ah la galaan Shirkaddo doonaya inay shidaal ka qodis ka sameeyan gudaha Soomaaliya.

Shirkadaha ay sheegeen Musharaxiinta Madaxweynaha in dowladda la saxiixaneyso heshiiska xirmooyinka (BLOCKS) shidaal qodista ayaa lagu kala magacaabaa Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Baarlamaanka Somaliya Oo Ansixiyay Heshiis Ay Wada Galeen Somaliya Iyo Turkigu

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaan Dalxa” Waxaan Shaki Ku Jirin In Ganacsig Soomaaliya Ay Gcanta Ku Hayaan Dad Aan Inaga Ahayn”

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Ah Ee Somaliya Oo Mar Kale Dalbaday In La Hakiyo Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More