Borama News Network

Benzema oo dacwad ka gudbiyay wasiir sheegay inuu xirriir la leeyahay urur laga mamnuucay dalal dhowr ah

Laacibka kubadda cagta ee ee waddanka Fransiiska, Karim Benzema, ayaa gudbiyay dacwad sumcad dil ah oo ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Fransiiska, kaas oo uu sheegay inuu ku eedeeyay inuu xirriir la leeyahay ururka Muslim Brotherhood, sida ay ku soo warramayaan warbaahinta gudaha dalkaasi.

Wasiirka, Gerald Darmanin, ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay sheegay in Mr Benzema “uu xirriir la leeyahay” kooxdaasi.

Hadalkaasi waxaa uu ‘wax u dhimayaa’ sumcadda ciyaaryahanka ayuu yiri qareenka Benzema.

Ururka Muslim Brotherhood ayaa ah urur laga mamnuucay dhowr dal oo ay kamid yihiin Masar, Ruushka, iyo Sacuudiga.

Hadalka wasiir Darmanin ee bishii Oktoobar ayaa yimid, kadib markii ciyaaryahankaasi uu bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku taageerayo dadka reer Qasa oo uu sheegay in ay dhibanayaal yihiin oo ‘aan loo tureyn carruur iyo haweenba’.

Darmanin waxaa uu sheegay in weeraryahanka Fransiiska lagu ‘yaqaanno xirriirkiisa ururka Muslim Brotherhood’.

Karim Benzema, oo 36 sano jir ah, oo u dheela kooxda Al-Ittihad oo ka dhisan dalka Sacuudiga ayaa ah Muslim ayaa codsaay in si deg deg ah tallaabo sharci looga qaado wasiirka.

Related posts

Xildhibaan Mustafe Khyreeye ” Aniga Waxaa Isoo Dacweeyay Taliye Nuux Taani

Abdiaziz Bnnstaff

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya shilkii diyaaradeed ee Koonfurta Kuuriya iyo baaritaan socda Koonfurta Kuuriya

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Qaadacday Qorshe Ayay Dalalka Africa Ku Dhexdhexaadinayaan Somaliya Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff