Borama News Network

Burburka ka dhashay duqaymo cusub oo xalay uu Ruushku ku garaacay gobolada Ukraine

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka iyo gantaalo ayaa xalay lagu weeraray dalka Ukrain, waxaana lagu bartilmaameedsaday gobollo badan oo dalkaasi kamid ah.

Magaalada Kyiv, dadka deegaanka ayaa gabaad u doontay boosteejooyinka tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada iyadoo duqaymaha dhanka cirka ah ee lagu garaacay caasimadda Ukraine ay sababeen koronto la’aan.

Koronto la’aan ayaa sidoo kale laga soo sheegay gobolka Dnipropetrovsk, halkaas oo lagu dilay laba ka mid ah shaqaalaha tareenada, saddexna lagu dhaawacay ka dib markii weeraro lagu qaaday xarumaha tareenada iyo dhabaha ay ku ordain intaba.

Duqeymaha cirka ee Ruushka ayaa sidoo kale sababay in ay go’do korontadii gobolka bari ee Donetsk iyo gobolka galbeedka ee Lviv, waxaa la sheegay in haweeneey ay ku dhimatay gantaalihii la soo tuuray.

Koonfurta Ukraine gaar ahaan magaalada Mykolaiv, laba haween ah ayaa lagu dilay duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, iyadoo lix kalana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo ay ku jiraan laba carruur ah. Magaalada dekedda leh ee Odesa ayaa sidoo kale la beegsaday duqaymaha.

Kaabayaasha muhiimka ah ayaa duqaymo lagu garaacay gobollada Vinnytsia iyo Volyn waxaana sidoo kale laga maqlay qaraxyo xoog leh magaalooyinka Kropyvnytskyi, Rivne, Ivano-Frankivsk, Cherkasy, Kryvyi Rih iyo Zaporizhzhia, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Sawiro saaka laga soo qaaday goobihii lala beegsaday weerarada ayaa waxay muujinayaan maamulka Kyiv oo nadiifinaya burburkii ka dhashay gantaalada iyo duqaymaha cirka.

Related posts

Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amababaxay Kuuriya

Abdiaziz Bnnstaff

Askari Kenyan Ah Oo Rasaas Ku Furay Garsoore Ridday Xukun Isaga Ka Dhan Ahaa

Abdiaziz Bnnstaff

Ururka Kaah oo ka shiraya cidda uu xulufo la noqonayo doorashooyinka soo socda.

Abdiaziz Bnnstaff