Dagaal hor leh oo dhex marey Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan xuduudda gobollada Wajeer iyo Gaarisa ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay ku dhinteen toddoba qof.
Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay inay xaaladda ka xuntahay sida loo malaynayo, ayagoo ku baaqey inay dowlada soo kala dhexgasho labada qowmiyadood.
Maamulka Magaalada Wajeer iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa ku hwlan sidii dadkaasi dagaalamaya loo kala dhex-geli lahaa inta uusan khasaaraha badan six al looga gaaro dagaalka.
Laamaha amniga magaalada Wajeer ayaan dhankooda weli ka hadlin dagaalka dhex-maray marey Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan xuduudda gobollada Wajeer iyo Gaarisa, kuwaas oo ah kuwa soo laab laabtay.
Dagaalada dhex-marey Soomaalida iyo Booranta ku dhaqan xuduudda gobollada Wajeer iyo Gaarisa ayaa ah mid soo laab laabtay, iyada oo ay sababeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakaca Boqolaal qoys.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com