Diyaarado Aan La Aqoonsan Oo Duqaymo Culus Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Gedo, duqeymahaas oo la sheegay inay geysteen khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in ilaa 7 gantaal ay diyaarado dagaal ku duqeeyeen degaannada Xiiso-uguur iyo garsaal oo ka tirsan Gobolka Gedo, halkaas oo ay degan yihiin dad xoolo Dhaqato ah.
Wariyeyaal ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa jugta culus ee duqeynta, isla markaana diyaaradaha duqeynta fuliyay loo maleyn ayo inay leedahay dowladda Kenya.

Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan duqeymo khasaaro ka dhashay duqeymaha wallow aan sirasmi ah loo shaacin dadka ku waxyeeloobay.

Dhowr jeer oo hore ayaa diyaaradaha dagaalka dalka Kenya waxaa ay duqeyn ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Gedo, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, balse ay khasaaro kasoo gaartay dad Shacab ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

TPLF Oo Sheegtay In Ay Soo Weerareen Ciidanka Dowlada Itoobiya Iyo Amxaaradu

Bnnstaff Bnnstaff

Daraasad Cusub: Muxuu Qofka Ka Dhaxli Karaa Fadhiga Xiliga Dheer?

Bnnstaff Bnnstaff

27 Qof Oo Lagu Dilay Iska-horimaad ka Dhacay Deegaanka Soomalida iyo Canfarta Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More