Ururuka Taliban Oo Digniin U Diray Dowlada Afghanistan Iyo Sobobta Digniintaasi

Kooxda Taliban ayaa ka digtay Sabtidii in go’aanka Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani uu xafiiska kusii joogayo inta ka dhiman muddo xileedkiisa uu dhaawacayo wada-hadallada nabadda ee looga xaajoonayo in lagu dhameeyo dagaallada afartanka sano ka socda Afghanistan.

Digniinta Kooxda ayaa imaanaysa iyadoo wadahadallo cusub ay dalka Qatar kula yeesheen wakiillo ka socda dowladda Ghanni ee horumarinta ajandaha wadajirka ah kaas oo si rasmi ah loogu yaqaanno wadaxaajoodka Afghanistan.
Wadahadallada u dhexeeya labada dhinac ee Afghanistan ayaa u horseeday warbaahinta warar xan ah oo sheegaya in madaxweynaha Ashraf Ghani uu xilkiisa ka tanaasulayo islamarkaana uu ogolaanayo in la dhiso dowladda KMG ah si loo dardar galiyo geeddi socodka nabadda ee Afghansitan.

Laakiin madaxweynaha Afghanistan ayaa sheegay todobaadkan in awoodda ku wareejinayo ciddii la doorto oo isaga si sharci ah u baddalaysa.

Ghanni oo dadka kula hadlayay meel fagaaraha oo ku taalla gobolka Nangarhar ayaa intaa ku daray in kursiga madaxnimada uusan isagu laheyn ee qaranka Afghansitan uu leeyahay.

Waxuu TV-ga CNN u sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay inuu awood u yeesho in xukunka uu ku wareejiyo rabitaanka shacabka.
Kooxda Taliban ayaa ku adkeysatay in sii joogista xukun ee madaxweyne

Ghanni ee ay dhibaato ku tahay waddada wadahadalka nabadda ee xalka loogu raadinayo in lagu soo afjaro dagaallada.

Taliban ayaa ku eedeysay in xukunka Ashraf Ghani uu dalkaasi dhaxalsiiyay faqri diif dhiig daadin iyo magac xumo.

Dhinaca kale dowladda Afghansitan ayaa iyagana ku eedeysay kooxda Taliban

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Siyaasi Cali Warancade Oo War Ka Soo Saaray Wararka Sheegay In Uu Libaax Ka Baxsaday

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Somaliya Xamse Cabdi Bare Oo Shaaciyay In Uu Dhaqaalaha Somaliya Kor U Kacay 25%

Bnnstaff Bnnstaff

Militariga Dalka Sudan Oo Ballan Qaaday Dhismaha Dowlad Rayid Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More