Borama News Network

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ku geeriyooday xalay, Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) oo horey dowladdii ku meel-gaarka ahyad ee Soomaaliya uga soo noqday wasiirka arrimaha dibadda.

Yuusuf Dheeg ayaa sidoo kale ahaa khabiir ciidan iyo diblomaasi sare oo dalal kala duwan safiir ka soo noqday.

Xilalka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa inuu soo noqday taliyihiii ciidamada cirka xilligii dowladdi kacaanka.

Dadka aqoonta u lahaa waxaa ay ku tilmaameen inuu ahaa nin aad ugu xeel-dheer arrimaha ciidamada iyo diblumaasiyadda.

Related posts

Ururrada Bulshada Rayidka Ah Ee Jabuuti Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo Soo Iibsatay Diyaaraha Dronska Ee Byraqtar

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo War Ka Soo Saaray Heshiiska Somaliland Iyo Dowlada Itoobiya Iyo Xeerka Doorashooyinka

Abdiaziz Bnnstaff