Puntland Oo War Ka Soo Saartay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bari Oo Khasaare Ka Dhashay

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo maalin kahor ka dhacay deegaano hoostega degmada isku-shuban ee Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Guddoomiyaha degmada isku-shuban Maxamuud Ismaaciil Muuse ayaa sheegay in dagaalka uu dhex-maray beelo hal deegaan wada-dega, isla markaana dagaalkooda uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku qabsaden Ceel-biyood laga qodayo deegaanka.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Maxamuud Ismaaciil in markii horey lagu guul-dareystay in beelaha dagaalamay loo furo wada-hadal lagu xalinayo Ceel biyoodka laga qodayo deegaan hoostega isku-shuban, hayeeshee arrintaas la xalin waayay.

Sidoo kale Guddoomiyaha isku shuban ayaa Carabka ku dhuftay in labada dhinac ay kala dhex-galeen Ciidanka Darawaaiishta Puntland, isla markaana dagaalkii la joojiyay, sidoo kalena ay la kulmi doonaan waxgarabka labada dhinac, si xal looga gaaro Colaada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhexmaray maleeshiyo beeleedka, waxaana ku geeriyooday Afar ruux, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaramada Midoobay Oo Digniin Kasoo Saartay Xaalad Ka Jirta Degmada Xudur

Bnnstaff Bnnstaff

Xasan sheekh Maxamuud Oo Ka Hadlay Doorashadii Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Murashax Cabdikariim Axmed Mooge Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya Saxaafada Somalilandna Gacanta Galiyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More