Borama News Network

Xisbullah oo sheegtay in dagaalyahanadoodu ay weerareen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada Israa’iil

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in dagaalyahannadooda ay beegsadeen askar Israa’iiliyiin ah oo isku dayayay inay daadgureeyaan ciidamo ku dhaawacmay gantaallo la hagayay habeenkii Talaadada meel u dhow magaalada Markaba ee koonfurta Lubnaan, iyagoo xaqiijiyay in ay “dhimasho iyo dhaawac soo gaareen” askartaasi.

Xisbullah ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in dagaalyahannadoody ay “ku beegsadeen ciidamada lugta ee Israa’iil gantaal la hagayey.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex kale oo ku dhaawacmay dagaallo ka dhacay gudaha dhulka Lubnaan, iyadoo ciidamada Israa’iil ay howlgalo xaddidan oo dhulka ah ka wadaan koonfurta Lubnaan, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

Related posts

Xiliga Laga Qabanayo Shirka Golaha Ee Xisbiga Wadani Oo La Shaaciyay Iyo Goobta Lagu Qabanayo

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaal Ka Qarxa Qaarada Yurub Oo Laga Casi Qabo Iyo Gaashanbuurta NATO Oo Diyaar Galay Ugu Jirta Dagaalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Mudaharaado ka dhan ah, xisbi doonaya in muhaajiriinta laga masaafuriyo Jarmalka

Abdiaziz Bnnstaff