Borama News Network

Madaxweyne ku xiigeenkii hore ee Kenya oo sheegay nuu naftiisa u baqayo .

Madaxweyne ku xiigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa welwel ka muujiyay arrimo ku aaddan amaankiisa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga ayuu ku sheegay, in gawaari aan gebi ahaanba taariko lahayn ay daba socdaan goob walba oo uu tego.

Gawaaridaas ayuu sheegay in lagu baakimo albaabka laga soo galo hoygiisa oo ku yaala magaalada Nairobi, kuwaas oo uu sheegay inay si gaar ah ula socdaan martida timaada gurigiisa.

Waxaa uu sheegay inay sidoo kale la socdaan dhaqdhaqaaqiisa, gaar ahaan xiliga uu ka baxo guriga, ilaa uu xittaa ka tegayo hoygiisa ku yaala ismaamulka Nyeri ee dalka Kenya.

Sawir gaari oo uu soo dhigay bartiisa facebook-ga, ayuu ku sheegay, in lagu baakimay albaabka kore ee gurigiisa isla markaana uu gaarigaas daba socday ilaa uu ka tegayay kaniisadda PCEA iyo goob kale oo uu ka qado doontay.

“Markii aan baaray xogta gaarigaas, waxaan ogaaday in taarikadu ku diiwaan gashantahay gaari nooca xamuulka qaada”, ayuu yiri.

Waxaa uu shacabka Kenya ugu baaqay inay dowladda la xisaabtamaan hadii wax dhibaata ah loo geysto.

Xildhibaanad iyo senetarada dalka, ayaa bishii la soo dhaafay u codeeyay in xilka laga xayuubiyo Gachagua.

Related posts

Codka Xariirad Intii Aan Codka Saajin Siinin Aniga Ha Isiiyaan Oo Codkii Xariirad Sidaas Ha Ku Dhamaado” Madaxwayne Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Ukraine Oo Isaga Baxay Magaalo Muhiim Ah Oo Ay Isku Farasaareen Kuwa Ruushka.

Abdiaziz Bnnstaff

Wiilka Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Hortay Maxkamad Ku Taala Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.

Abdiaziz Bnnstaff