Borama News Network

Saaxibada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saaray Khilaafka Dowladda Federaalka Iyo Jubaland .

Dalalka saaxibada Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Juballand.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dalalka Belgium, Jabuuti, Finlad, Jarmalka, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudiga, Qadar, Ruushka, Spain, Switzerland, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka iyo urrurro ay kamid yihiin Urur-Goboleedka (IGAD), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS) , ayaa waxay ku sheegeen, inay ka walaacsanyihiin khilaafka cirka isku shareeyay ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Jubaland, kadib kulankii dhowaan u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxaan ku boorrineynaa dhammaan saamilayda inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Jubaland ayaa lagu booriyay inay dib ugu laabato shirka golaha wadatashiga qaran, si bay yiraahdeen wadahadal furan looga yeesho dhamaan arrimaha taagan, loona soo celiyo xirriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Dhinacyada ayaa sidoo kale lagu booriyay, inay joojiyaan xiisad-abuurka oo ay dib ugu bilaabaan wadahadal furan, ka-hor inta aan la dhamaystirin geeddi-socod kasta ee doorasho.

Saaxiibada Caalamku waxay sheegeen inay tageeersanyihiin horumarinta ajendaha dawlad-dhisidda Soomaaliya, oo ay ku jiraan hamiga loo qabo in si hore-u-socod leh loogu gudbo doorasho qof-iyo-cod ah iyadoo loo marayo nidaamyo doorasho oo loo dhanyahay.

Related posts

Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Ew Xisbiga Wadani Oo War Ka Soo Saaray Cayimaadii Wakhtiga Doorashada Ay Dhacayso

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Maxamed Abiib oo hadda dib u helay xorriyaddiisa. Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Suuriya oo isaga baxay magaalada Xalab iyadoo fallaagada ay sii xoogeysanayaan Ciidamada Dowladda Suuriya ayaa isaga baxay magaalada Xalab

Abdiaziz Bnnstaff