Safiirada Somaliya Iyo Jaban Ee Dalka Jabuuti Oo Kulan Gaar Ah Wada Qaatay Iyo Waxayaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti ee Caasimadda dalkaas Salaad Cali Jeelle ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dowladda Japan u fadhiya dalka Djibouti.

Kulanka u dhexeeyay Labada safiir ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Gobolka geeska Africa, gaar ahaan Xaaladda Soomaaliya horumarada amaanka iyo dib u-dhiska Soomaaliya.
Ambassador Salaad Cali Jeelle ayaa uga warbixiyay safiirka Japan u jooga Jabuuti horumarada ka socda dalka Soomaaliya sida arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka bilowday sanadkaan 2021.

Ugu dambeyntii Safiirka dowladda Japan u-fadhiya ee Djibouti ayaa dhankiisu ku boggaadiyey dadaalada horumarka leh ee ay sameyneyso dowladda Soomaaliya, wuxuuna u mahadceliyay Safiir Salaad Cali Jeelle.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiyaha Maxkamad Sare Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiin Ka Socda Midawga Yurub

Bnnstaff Bnnstaff

Barnaamij Xiiso Badan Oo Ay Aljasiira Ka Diyaarisay Dhaqanka Somalid Ee Dhanka Guurka Iyo Kala Duwanaashihiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Faahfaahin: Nin Rasaas Ku Furay Garoonka Diyaaradaha Ee Caasimadda Australia

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More