Borama News Network

Ingiriiska Oo Sheegay Hadii Raysal wasaaraha Israa’iil Uu Yimaado Dalkooda In Ay Xidhi Doonaan

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu mutaysan doonaa xarig hadii uu tago dalka Ingiriiska, kadib markii waaran soo qabasho ay u jartay maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC, sida uu sheegay xafiiska Lambar 10 ee laga xukumo Ingiriiska.

Afhayeen u hadlay xafiiska Lambar 10 ayaa diiday in wax hadal ah ka dhiibto kiis goobi ah balse waxa uu sheegay in dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay in ay fuliso “waajibkeeda sharciga ah”.

Maalintii Khamiista Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu, iyo wasiirkii hore ee difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.

Waddamada xubnaha ka ah maxkamadda, oo ay ku jirto UK, ayaa saxiixay heshiis ku waajibinaya inay ku dhaqaaqaan amarka qabashada.

Mar la weydiiyay in Netanyahu la xirayo haddii uu soo galo UK, afhayeenka rasmiga ah ee ra’iisul wasaaraha ayaa diiday inuu ka hadlo “sida wax noqon karaan “.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaas ku daray: “Xukuumaddu waxay gudan doontaa waajibaadka ka saaran sharciga.”

Related posts

Hadii Aan Shalay Madi Ahayn Maanta Waxaan Helnay Walaal Garabkeena Taagan”Wasiiru Dowladaha Amniga Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Soo Bandhigay Sababta Ag Puntland U Joojisay Isticmaalka Lacagta Shilin Somaliga Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Waxbarashada Fasalada Tooska Ah Oo Laga Joojiyay Caasimada Lubnaan Ee Beirut Iyo Nawaaxigeeda

Abdiaziz Bnnstaff