Madaxwayne Deni Oo Kala Diray Golahii Deegaanka Gaalkacyo Gole Cusubna Magacaabay

Madaxweynaha dowladd Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland

Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.
Wuxuu Xeeriyey :-

1-Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo

2-Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr – 02, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo.

Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa loo magacaabay Guddoomiye kumeel-gaar ah ee Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug.

Waxaa Shaafici Cabdullaahi Xaashi loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen kumeel-gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Lixdii billood ee u dambeeyay waxa aan samaynay cashuur dhaaf lacageed oo dhan $ 17,000, 000″ Wasiirka Maaliyada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Muslimiinta Dalka Hindiya Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Qashqashaadda Lagu Hayo Salaadda Jimcaha

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Doorashadii Aqalka Sare Ee Somaliyahttps://youtu.be/Ai0UcHdX1Gg

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More