Dowladda Itoobiya Oo Digniin Kama Dambeys Ah U Dirtay Dhigeeda Suudaan Iyo Sobobta

Dowladda Itoobiya oo hadallo digniin ah u dirtay dhigeeda Sudan ayaa sheegtay in uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii Sudan ay ciidamo soo dhoobtay halka ay labada dal isku hayaan.

Waxaa guuldareystay dedaalo la doonayay in xal looga gaaro xiisadda ka taagan xadka labada dal.
Xiisadda oo mudod dhan 10 sano soo jiitameysay ayaa ah mid u dhaxeysay dalalka Sudan iyo Itoobiya, waxayna salka ku heysa deegaanka beeraha qaniga ku ah ee al-Fashqa, oo katirsan qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beeraleyda Itoobiya.

Ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ayaa laba asbuuc kahor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Sudan, Feisal Maxamed Saleh ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneyn dagaal ay la galaan Itoobiya, balse ciidamadooda ay ka jawaabi doonaan waxwalba oo uga yimaadda dhanka Itoobiya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Sharciga Hala Horkeeno Cidii Dhaawacday Xildhiban Guruuje” Xildh Cabdqani Maxamed Aadan

Bnnstaff Bnnstaff

Murashaxiinta Madaxwayne Ee Somaliya Oo Ka Digay Khilaafka Dowlada Iyo Jubaland

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir La Xanuunsanaa COVID-19 Oo Xoog Looga Saaray Diyaarad Ku Sii Jeeday Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More