Borama News Network

Dowlada Somaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Celinayso Soomaalidii Laga Soo Badbaadiyay Biyaha Dalka Jasiiradda Madagaskar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha dalka Jasiiradda Madagascar.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daud Aweis ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 22-ka ruux ee masiibadan ku dhintey, isagoo dhanka kalena xusay in 48-ka qof ee la soo badbaadiyay ay gacanta ku hayso Dowladda Madagascar.

Wasiirka ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtey Muqdisho ku sheegay in dowaldda ay halkaa u direeyso mas’uuliyiin si loo ogaado xaladda muwaadiniitaa soomaaliyeed iyo halka ay kasoo baxeen, lana hubin doono in dhammaan dadka ay waxyeelada gaartay ay yihiin Soomaali kali ah.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa intaa sii raaciyay hadalkiisa in dowladda ay sameeyn doonto baaritaanno madaama wax tahriibintu ay tahay fal-dambiyeed iyo cida ku lugta leh,dhalinyarada Soomaaliyeed ayuu kaga digay in galan safaradaa sharci darada ah ay naftooda qatarta ku galinayaan.

 

Related posts

Dowlada Iran Oo War Cusub Ka Soo Saartay Weerarki Ay Xalay Ku Qaaday Israel

Abdiaziz Bnnstaff

Midawga Africa Oo Ku Sigtay In laga Xado Lacag Dhan 6 Milyan Oo Dolar Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Wasaarada Cadaalada Gobolka Awdal Oo Maanta Si Wayn Uga Dhex Muuqatay Munaasibada Xuska 18 May

Abdiaziz Bnnstaff