Borama News Network

Siyaasi Si Wayn U Taageersan Ruuska Oo Hogaaminaya Doorashada Ka Dhacaysa Dalka Romania

Calin Georgescu oo ah nin ay siyaasaddiisu jirto midigta fog aadna u naqdiya gaashaanbuurta NATO, islamarkaana janjeera dhanka Ruushka ayaa si lama filaan ah kaalinta koowaad ugu soo baxay wareega koowaad ee doorashada madaxtinimada dalka Romania ee dhacday Axaddii shalay.

In ka badan 93 boqolkiiba codadka ilaa iyo hadda la tiryay ee doorashada ayuu Georgescu oo 62 jir ah ka helay 22%, halka ra’isulwasaare Marjel Jiyalaaku uu keenay 21%.

Labadan murashax ayay u badantahay in ay ku tartami doonaan wareegga labaad ee kala baxa ah ee doorashada madaxtinimada oo dhici doonta 8-da bisha soo socoda ee December.

Ra’yi ururinti la sameeyay ka hor doorashada ayaa qaarkood qiyaasay in Georgescu uu doorashada ka heli doono codad dhan 5%, hase yeeshee natiijada uu keenay ayaa la yaab ku noqotay Romania iyo Yurub.

Georgescu ayaa codbixiyaasha u ballan qaaday in uu kharash gareyn doono lacago badan, iyo in uu dhimi doono canshuurta.
Horay ayuu u cambaareeyay gantaallada difaaca NATO eek u rakiban degmada Deveselu ee dalka Romania, taas oo u uku tilmaamay “Ceeb diblamaasiyadeed.”

Related posts

Dagaal buuxa miyuu isu beddeli doonaa iska hor imaadkii dhex maray Xisbullah iyo Israa’iil?

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamse Oo Isku Shaandheyn Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Golaha Wasiirada

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada dadka ku dhaawacmay dhul gariir ka dhacay Taiwan oo dhaaftay 1,000 qof

Abdiaziz Bnnstaff