vQarax Ka Dhashay Haan Gaas Oo Ka Dhacay Suuq Ku Yaalla Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeyb kamid ah Suuqa.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ahaa mid ka dhashay Haan Gaas oo aad u buuxday, waxaana sigaar ah ugu dhex qaraxday goob Ganacsi oo ku taalla Suuqa, laguna magacaabo Waayo-arag Electronic.
Sidoo kale dadka ayaa sheegay in qaraxaas uu geystay khasaaro kala duwan, wallow aan la cadeyn tirada khasaaraha jira, iyadoo dadweyne badan oo Ganacsato iyo kuwo kale ah ay hareereeyeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo u maleynayay qaraxaas inuu ka dhashay walxo qarxa ayaa si deg deg ah u gaaray goobta, isla markaana xiray aaga, sidoo kalena hakad geliyay isku socodka.

Xaaladda Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa degan, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray goobtu qaraxu ka dhacay oo aheyd Waayo-arag Electronic, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxkamada Sare Ee Dalka Uganda Oo Amartay In Dadka Somalida Ah La Siiyo Dhalashada Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Dalalka Turkiga, Pakistan Iyo Azerbaijan Oo Dhoolatus Ciidan Sameeyey

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Soomow ” Wax Kasta Oo Dalkan Ka Dhaca Waxaa Qaadaya Madaxwayne Farmaajo”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More