In Ka Badan 100 Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Galbeedka Dalka Itoobiya

In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay dagaal u dhexeeya qowmiyadaha qaar oo ka dhacay deegaanka Metekel oo dhaca gobolka Benishangul-Gumuz ee dalka Itoobiya, sida uu ku warramay teleefishinka mucaaradka ee ESAT.

Teleefishinka oo soo xigtay “Ilo wareedyo laisku haleyn karo” ayaa ku warramay in 130 qof lagu dilay deegaanno dhowr ah oo hoostago Benishangul-Gumuz.

Dagaalka ayaa dhacay Isniinti iyo Talaadada.

“Dadka deegaanka oo daabulayo meydadka ayaa teleefishinka ESAT u sheegay in koox hubeysan ay bartilmaameedsanayeen guryaha ay deganaayeen qowmiyadaha kala ah Amxaarada iyo Agew isla markaana ay dileen dad badan oo isugu jiro carruur iyo haween, waxay sidoo kale sheegeen in tirada dhimashada ay sare usii kici karto” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii, in ka badan 200 qof lagu dilay dagaallo u dhexeeya qowmiyadaha qaar ee wada dego halkaas, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu booqasho ku tegay gobolkan si uu usoo qiimeeyo xaaladda amniga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xasan Sheekh Maxamuud:- “Kama Qayb Galayno Doorasho Uu Farmaajo Maamulayo”

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Dhaariyay Xildhibaankii Bedeli Lahaa Xildhibaan Bukhaari

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin:- Xaalada Doorashada Somaliya Iyo Xiligii Lagu Heshiiyay In La Soo Dhiso Aqalka Sare Oo Gaadhay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More