Borama News Network

Israel ayaa weerartay Lubnaan ka hor heshiiska la filayo in ay la galaan Xisbullah

Toddobo qof ayaa ku dhintay kaddib markii Israel ay hawada ka duqeysay bartamaha magaalada Beirut sidaasina waxaa sheegay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

Sidoo kale wasaaradda waxay sheegtay weerarka lagu qaaday in 37 qof ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday Al-Nuwairi.

Israel waxay duqeysay Beirut saacado ka hor markii golaheeda wasiirada kulan ka yeesheen xabad joojin lala galo Xisbullah. Milteriga Israel ayaa u sheegay dadweynaha in ay ka baxaan meelaha ay duqeynayaan ka hor weerarka.

Qiiq badan ayaa markii dambe la arkayay oo ka baxayay magaalada. Siyaasiin deegaanka waqooyiga Israel ayaa ka carrooday heshiiska suuragalka ah balse afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in heshiiska siinayo Israel in ay sii haysato xorriyadda ay ku sameyneyso howlgalada iyo in dadkii deganaa waqooyiga Israel ay ku soo laabtaan guryahooda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Washington ay culeyska saareyso in heshiis la gaaro

Related posts

In Inamo Yar Oo Xafiiska Joogay Oo Mishaar Qaadanayay Ay Yidhaahdaan Waanu Ererinay Prof Samatar Wax Dhacaya Maaha Ururaduna Waa Hanti Rag Leeyihiin” Gudoomiye Rooda

Abdiaziz Bnnstaff

Wadani Waxa Uu Ka Xanaaqaa Natiijada Doorashada Aqbala” Wasiir Maxamed Kaahin

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaanno reer Jubaland ah oo sheegay in socdaalkii laga hor istaagay

Abdiaziz Bnnstaff