Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Itoobiyo Iyo Xubno Kale Oo La Laayay

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay dilka Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalkaas iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa xisbiga Tigray-ga ee TPLF.

Howlgal ay fuliyeen milatariga ayaa lagu dilay afar hoggaamiye oo uu sidoo kale ku jiray nin magiciisa lagu sheegay Abey Tsehaye, sida lagu shaaciyay bogagga laanta xaqiijinta arrimaha degdegga ah ee dowladda Itoobiya.

Tallaabada lagu fulinayay howlgalka ayaa la sheegay in ay daba socotay dalab isdhiibitaan ah oo siyaasiyiintaas loo bandhigay, balse ay ku gacan seydheen.

Siyuun Musfin ayaa xilka wasiirka Arrimaha dibadda kasoo qabtay xukuumaddii Meles Zenawi, wuxuuna ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu caansan siyaasiyiinra reer Itoobiya.

Soomaalida ayuu caan ka ahaa maadaama uu muddo dheer hoggaaminayay arrimaha Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Dab Xoogan Oo Ka Kacay Xaafad Ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye Ugu Soo Baxay Golaha Wakiilada

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal ‘Lagu Jabiyay Al-shabaab’ Oo Ka Dhacay Shabellaha Dhexe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More