Borama News Network

Ruushka oo sheegay in ay xalay burburiyeen 25 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine Barasaabka gobolka Krasnodar, Veniamin Kondratyev, ayaa xalay ku qoray bartiisa Telegram in laba degmo lagu qaaday “Weerar aad u weyn

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in nidaamka difaaca cirka ee dalka ayaa sheegtay in ay burburiyeen 25 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay dalka Ukraine xilli habeen ah oo ay dul marayeen afar gobol.

14 ka mid ah diyaaradaha Drones-ka ayaa lagu burburiyay gobolka Krasnodar ee koonfurta, lix waxaa lagu burburiyay galbeedka gobolka Bryansk, saddex waxaa lagu burburiyay Crimea oo ay Moscow la wareegtay iyo labo kale oo iyagana lagu waxyeeleeyay koonfurta gobolka Rostov sidaasna waxaa sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.

Barasaabka gobolka Krasnodar, Veniamin Kondratyev, ayaa xalay ku qoray bartiisa Telegram in laba degmo lagu qaaday “Weerar aad u weyn oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn”. Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay, ayuu yiri.

Related posts

LAASCAANOOD: Garaadka Jaamac Garaad Cali Oo Ka Hadlay Dagaalka Maanta Ka Dhacay

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Mudeeyay Xiliga Golaha Wakiiladu Go’aan Ka Gaadhayaan Dacwada Xildhibaan Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

“Somaliland Waa In Au Joojisa Wadahadalada Somaliya” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff