Borama News Network

Dacwad-oogaha ICC oo codsaday in lasoo xiro hogaamiyaha Myanmar

Madaxa dacwad oogaha Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa Arbacadi ka codsaday garsoorayaasha, in ay jaraan waraan lagu soo xiro hogaamiyaha taliska militariga Myanmar, kaas oo wajahaya danbiyo ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohinga.

Sarreeye Guuto Min Aung Hlaing, oo xukunka awood ugala wareegay hogaamiyaha la doortay ee Aung San Suu Kyi sannadki 2021, ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada oo lagu dhibaateeyay qowmiyadda Rohingaha Barma.

Ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay galan dalka ay dariska la ah Myanmar ee Bangaladesh si ay uga baxsadaan olole isir-sifeyn ahaa oo isugu jiray kufsi wadareed, dil iyo dab la qabadsiiyay guryaha.

Isagoo dib uga soo laabtay booqasho uu ku tagay xero qaxooti oo ku taal Bangladesh, ayuu dacwad oogaha ugu sareeya Maxkamadda ICC, Karim Khan uu sheegay, in uu dhawaan soo saari doono codsiyo kale oo uu maxkamadda uga dalbanayo waaranno lagu soo xirayo saraakiil kale oo ka tirsan millatariga Myanmar.

Related posts

Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Ninkii Gaadhiga Jiidhsiiyay Ilmaha Yar Ee Baxsaday

Abdiaziz Bnnstaff

Wadamada Afrikan Ah Oo Dirisaday Dayaxgacmeedyo Aad Ufarabadan Iyo Sabaha Ay Direen Oo La Ogaaday

Abdiaziz Bnnstaff

Garyaqaan Cabdiraxmaan Saleebaan ayaa Sheegay In Hogaanada Urur Siyaasadeeda Horseed Iyo Hilaac Ku xadgudbeen xeerka doorashooyinka Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff