Saddex muwaadin oo Mareykan ah oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Shiinaha ayaa habeen hore soo gaaray Mareykanka, taasi oo qeyb ka ahayd heshiis maxaabiis is isku beddalasho ah oo dhex-maray Washington iyo Beijing.
Isdhaafsiga maxaabiista oo Aqalka Cad uu ku dhawaaqay maalintii Arbacad, ayaa calaamad u ah heshiis diblomaasiyadeed oo naadir ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha.
Warbixn VOA- ka qortay arrinkaan waxaa soo jeedinaya Cabdulqaadir Maxamed Samakaab.