Dowladda Canada ayaa soo saartay go’aan ay si ku meel gaar ah ugu hakinayso qabashada codsiyada qaxootiga ee Group five iyo barnaamjka kale ee loo yaqaan Community oo ay dadka jooga Canada ugu dacwoon jireen eheladooda Africa ama qaaraadaha kale jooga.
Qoraalka lagu sheegay hakinta ayaa lagu baahiyay bogga dowladda Canada ay ku leedahay waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada.
Bayaanka lagu hakiyay howlaha socdaalka qaxootiga iyo dadka is xanbaarka lagu keenayo ayaa sidan u qornaa:
“Si loo helo hubanti dheeraad ah oo la xiriirta qaxootiga la keenayo, iyo kafaala qaadayaasha, waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) waxay si ku meel gaar ah u joojisay qabashada codsiyada cusub ee kooxaha shanta ah (Group five) iyo kafaala qaadayaasha barnaamijka bulshada ee hoos imaanaya barnaamijka PSR laga bilaabo Noofambar 29, 2024”.
Dowladda ayaa sheegtay in hakintaan ay socon doonto illaa laga gaarayo 31 Diseembar 2025, waana muddo sanad ah iyadoona ku tilmaamtay in ay ka caawin doonto culays ka haystay kobac ku yimid warqadaha arjiyada ama codsiyada qaxootiga iyo kooxaha shanta qof ah ee dadka u dacwoonaya.
Dhanka kale dowladda Canada waxa ay tilmaamtay in waaxda socdaalka muddadaas sanadka ah ay helayaan fursad ay uga shaqeeyaan codsiyadi hore.
Bayaanka ka soo baxay dowladda Canada gaar ahaan waaxda socdaalka, qaxootiga iyo dhalashada Canada (IRCC) ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sii wadi doono ka baaraan dagista codsiyadii horay loo qabtay iyo in dib u dajin loo sameeyo qaxootiyadii dhawaanahaan la geeyay dalkaas.
Sidoo kale waxa ay intaa ku dareen in la cusboonaysiiyay barnaamijyo badano o kamid ah kuwa ay dadka sida gaarka ugu dacwoonayaan eheladooda lagu dabaqay qorshaha heerarka socdaalka ee 2025, dowladda Canada ay hiigsanayso inay soo dhawayso 23,000 oo qaxooti ah.
Warka ka soo baxay dowladda Canada ee dhimista soo galootiga ayaa ku soo aadaya xilli dhawaanahaanba ay dowladdaas waday hoos u dhigista soogalootiga.
Mohamed Doli oo ah qareen muddo ku sugan dalka Canada ayaan wax ka waydiinay arrinka lagu dhimayo qaxootiga iyo isxambaarka ee kooxaha shanta ah (Group five).
“Amarka dowladda ka soo baxay ee lagu joojinayo qaxootiga ayaa muddo soo socday oo horay ayaa loo dhimay ardayda dalkaan soo galaya, iyo qaxootiyada, tanina waa mid daba socota balse waa muddo hal sano ah”, ayuu yiri qareen Doli.
Dhanka kale qareenka ayaa tilmaamay in joojintaan aysan saamayn ku yeelanaynin dadkii horay ay ugu xaraysnaayeen codsiyada “Joojintaan ma qusayso dadka codsiyada u xaraysan,” ayuu raaciyay.
Qareen Doli ayaa xusay in dalka Canada ay ku soo dhawdahay doorashooyinkii sidoo kalena ay jirto ciriiri dhanka guryaha ah oo magaalooyinka ka jira, sidoo kalena dhaqaalaha uu isbadal ku yimid, taasina ay ka qayb qaadanayso in la hakiyo qaxootiga si dowladda ay diyaar garow u samayso.
Soomaali badan ayaa ku jirta xeryaha qaxootiga Kenya, Uganda iyo dalal kale kuwaas oo qaarkood horay u xaraystay codsiyadooda halka qaar aysan wali gudbin codsiyadooda, xannibaada cusub ee muddada sanadka ah ayaana saamayn ku yeelan doonta dadka aanan wali gudbin codsiyadooda kuwaas oo ku jira qaxootiyada.
Canada ayaana sheegtay in ka badan 40 sano oo ay wadday barnaamijka kafiilka iyo qaadashada qaxootiga, uu tusaale u ahaa wadamo badano o caalamka ah, sidoo kalena rajo iyo fursad u ahaa boqolaal kun oo qaxooti ah.