Borama News Network

Naciim Qaasim oo shaaciyay “guusha weyn” ee ay ka gaareen dagaalkii ay Israa’iil la galeen Naciim Qaasim

Xoghayaha guud ee Xisbullah Naciim Qaasim ayaa sheegay in xisbigu uu guul weyn ka gaaray Israa’iil.

Waxa uu hadalkaasi ka sheegay khudbad uu jeediyay Jimcihii shalay, taasoo ah tii u horeysay tan iyo markii xabad joojin labada dhinac ay dhaqan gashay Arbacadii.

“Waxaan go’aansaday inaan ku dhawaaqo natiijada…si rasmi ah oo cad in aan gaarnay guul weyn oo ka sare martay guushii dhacday July 2006,” ayuu yiri Qaasim, isaga oo tixraacaya dagaalkii ugu dambeeyay ee kooxda iyo Israel.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu ku guulaysanay in aanu ka hortagnay in cadawga uu burburiyo Xisbullah, waanu guulaysanay waxa aanu ka hor istaagnay in ay iska caabinta soo afjarto ama ay wiiqanto oo ay gaarto heer ay dhaqaaqi waydo”.

“Taageerada aan siineyno Falastiin ma joogsan doonto, taas oo qaabab kala duwan ah,” ayuu yiri Qaasim, oo intaas ku daray, “Waxaan ku celcelinay in aanan dooneyn dagaal, laakiin waxaan rabnaa inaan taageerno Gaza, waxaana diyaar u nahay dagaal haddii Israel ay soo isbadasho.”

Related posts

“Farmaajo Nin Uu Hore u Dilay Ayuu Leeyahay Hadalka Maxaa Looga Joojiyay” Xildhibaan Caana-nuug

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay kawada hadlayaan Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya Iyo Jabuuti?

Abdiaziz Bnnstaff

Trump oo aad u yaabay markii uu booqday misaajidka weyn ee Sheikh Zayed, muxuu yiri?

Abdiaziz Bnnstaff