Dhul gariir xooggan ayaa subaxnimadii saaka ku dhuftay Jazeerad ku taal dalka Indonesia, taasi oo (3.73 mayl) waqooyi bari kaga beegan magaalada Majene.
Saraakiisha gargaarka ayaa khasaaraha ku sheegay 34 dhimasho ah, boqollaal ruuxna ay ku dhaawacmeen, halka Kumanaan ay ka barakaceen Jazeerada.
Arianto, oo ka tirsan wakaalada badbaadada ee magaalada Mamuju, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP inay isku dayayaan inay gaaraan dad badan oo weli ku xayiran Burburka dhismayaasha u burburiyay Dhulgariirka.
Wakaaladda saadaasha hawada, cimilada iyo Geophysics ee dalka ayaa sheegtay in dhulgariirku uusan ka kicin tsunami balse ay sababtay isbadalka cimilada iyo hawada ee dalkaasi
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com