Maxay Tahay Sobobta Midowga Yurub Uhakiyay Dhaqaalihii Uu Siin Jiray Dalka Itoobiya?

Midowga Yurub ayaa waxay hakiyeen in ka badan 100 milyan oo doolar oo gargaar ahaan loo siin lahaa Itoobiya tan iyo inta hay’adaha gargaarka loo ogolaanayo inay galaan gobolka Tigrey si dadka halkaasi loo gargaaro.

Wadamada Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in walaac xooggan ay ka qabaan wararka sheegaya in dilal lala bartilmaameedsanayo qowmiyado gaar ah iyo waliba suurtagalnimada in dambiyo dagaal ay ka dhaceen gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

Militariga Itoobiya ayaa waxay duullaan ku qaadeen bishii November gobolka Tigrey ka dib markii ay xoogagga TPLF weerareen saldhig milatari oo ku yaalla gobolkaasi.

Dowladda fedaraalka Itoobiya ayaa isla dabayaaqadii bishaasi waxay ku dhawaaqday in howlgalkii ay qaaday uu guuleystay, balse midowga Yurub ayaa dhankooda sheegaya in xaaladu ay wali tahay mid halis ah.

Dagaalkan ayaa waxaa uu halis galinyaa xasiloonida guud ahaan gobolka, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Midowga Yurub.

Dowladda rai’sul wasaare Abiy Ahmed ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa inay isticmaashay awoodd xaddidan oo lagu sugayay amniga islamarkana caddaaladaa lagu hor keenayo”koox daambiilayaal ah”.

Tan iyo dabayaaqadii bishii November waxaa militariga Itoobiya ay howlgal ay ku baacsanayaan saraakiishii TPLF ay ka wadeen gobolka Tigrey.

“Xaaladda goobtaasi ka taagan waa ay dhaaftay howlgal ‘amarka iyo kala dambeynta lagu soo celinayo,” waxaa sidaasi bayaan uu soo saaray ku sheegay madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell .

“Waxaan heleynaa warbixinno isdaba joog ah oo ku saabsan oo muujinaya in qowmiyad si gaar ah loo bartilmaameedsanayo, dilal, dhac baahsan, qaxooti si xoog ah dib loogu celinayo Eritrea iyo waliba suurtagalnimada dambiyo dagaal ,” ayuu yiri Borrell.

Madaxa arrimaha dibadda ee midowga Yurub Josep Borrell ayaa intaa ku daray in 2 milyan oo qof oo ka qaxay dagaalka gobolka Tigrey ay si aad ah ugu baahan yihiin gargaar, balse galidda gobolkaasi ay wali tahay mid xaddidan.

Qowmiyadda Tigrey ayaa dalkaasi Itoobiya ka ah 6% ka mid ah in ka badan 110 milyan oo dalkasi guud ahaan ku nool.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Ololaha Ka Dhanka Ah Cudurka Dabaysha

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Masar Oo Xabsiyada Ka Sii Daysay Xubno Ka Mid Ahaa Dadka U Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladaha Somaliya Iyo Azerbijan Oo Ka Wada Hadlay Arimo Muhiim Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More