Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Dalka Uganda Iyo Ku Dhawaaqista Natiiyada Oo Dhawaan La Filayo

Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in guddiga doorashooyinka Uganda ay shaaciyaan cidda ku guuleysta doorashada Khamiistii ka dhacday dalkaas.

Ku dhawaad saddex meelood labo codadkii la dhiibtay ayaa la tiriyay, madaxweyne Yoweri Museveni ayaa ku horreeya codadka la tiriyay oo wuxuu helay boqolkiiba 62 halka Bobi Wine uu heysto boqolkiiba 30, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Halka ninka ay is hayaan Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine uu sheegay in doorashada lagu shubtay, eedeymahaas oo ay iska fogeeyeen guddiga doorashooyinka.

Afhayeen u hadlay guddiga doorashada oo lagu magacaabo Don Wanyama wuxuu sheegay in aysan jirin caddeymo muujinaya in wax isdabamarin ay dhaceen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xiisada Faragalita Maraykanka Ee Itoobiya Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Meydadka Dad Shacab Ah Lagu Laayay Gobolka Shabeellaha Hoose Oo La Keenay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Oo La Wareegaya Tobabarka Ciidanka Danab Iyo Duqaymaha Dhanka Cirka Alshabaab Lala Beegsado

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More