Borama News Network

Dowladda Soomaaliya oo hawada ka celisay diyaarad ay leedahay dowladda Thailand

ay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo soo saartay warsaxaafadeed ayey ku sheegtay in hawada Soomaaliya ay ka celisay diyaarad nooca xamuulka qaada oo ka diiwaangashan waddanka Thailand, taas oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa.

Warka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri, “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah. 18/01/2024 waxay dib ugu celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa.”

Sidoo kale warka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sii yiri, “Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaa inay soo gasho hawada Soomaaliya.”

Wax ka yara 26 saac ayaa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxa ay hawada Soomaaliya ka celisay laba diyaaradood, iyada oo maalnimadii shalay ay hawada ka celisay diyaaradda Ethiopian Airlines, oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa, taas oo la sheegay in ay siday dad mas’uuliyiin ah oo u dhashay dalka Itoobiya.

Related posts

“Tani Waa Doorashadii Iigu Dambeysay”. Madaxwayne Rejep Tayyip Erdoğan Oo Shaaciyay In Aanu Dib Doorasho U Galaynin

Abdiaziz Bnnstaff

Hoggaamiyii Militari Dalka Chad Mahamat Déby Oo Si Rasmi Ah Loogu Doortay Madaxwaynaha Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Faransiiska Oo Cadaadis Xoogan Saatay Dugsiyada Muslimiinta Ee Dalkaasi Ku Yaala

Abdiaziz Bnnstaff