Alshabaab Oo War Ka Soo Saartay Qarax Ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

Al-shabaab ayaa ka hadashay weerarkii ku bilowday qaraxa ee saakay lagu qaaday Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Ciidanka DANAB.

Qaraxaas oo ahaa miino ayaa waxaa kolonyada uu ku qabsaday deegaanka Tixsiile oo ku yaalla wadada xiriirsa degmada Afgooye iyo Walna-weyn, waxaana dadka deegaankaas iyo meelo ku dhow ay maqleen jugta qaraxaas.

Dadka deegaanka ayaa ku warramay in qaraxa kadib uu xigay dagaal toos ah oo Ciidanka dowladda iyo xubno ka tirsan Al-shabaab dhexmaray, kaasi oo socday in ka badan 30 daqiiqo, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub Culus.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barhoodka qadka ayey ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka, iyagoona sheegay in Afar oo ka tirsan Ciidanka dowladda ay ku dileen qaraxa, kuwaasi oo saarnaa gaari Tikniko ah, halka Ciidamo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Dhaawcyada Saraakiisha oo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu yahay Taliyaha Ciidanka DANAB ayaa waxaa diyaarad nooca helicopter-ka ah looga soo daad-gureeyay goobta, waxaana lagu geeyay degmada Afgooye.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ka badbaaday Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadier Maxamed Nuur Siidii iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoona gaaray degmadan Wanla-weyn oo markii horey u socdeen.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan weerarkii Mas’uuliyiinta lagula beegsaday Tixsiile ee kusii jeeday Wanla-weyn oo maalmihii lasoo dhaafay xiisad colaadeed ka jirtay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Taliyaha Booliska Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Shacabka Iyo Ciidanka Booliska Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Culus Oo Saaka Dhexmaray Ciidamada Dowladda Iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Cabdi Oo Si Cad U Dalbaday In Lagu Soo Wareejiyo Doorshada Xildhibaanada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More